Cajebey cajiibeey,
Cawo iyo ayaaneey,
Caqligaad xadaysaa,
Ubaxuna tin iyo cidhib, Dusha sare caleentii,
sida geed cal iyo buur ,
Carro-hodan ku yaalloo,
Cokanoo irmaanoo,
Dhirta kale ka caynoo,
Hoobaan casuus lihi
Laamaha cusleeysoo,
Kaga dhigay cabaadyoo,
Cidhifka is la gaadhaan,
Biyo wada cabteenoo,
Haddaan lay cadaabayn,
Rabbi ii cadhoonayn,
Dadku in ku caabudoo,
Madowgiyo caddaankubaa,
Ku caleema saaraan,
Cagta meel la saaroon,
La cuskado la hayno,
Fiid cawl horaantii,
Cirka oo daruuruhu,
Ku dhigeen canjiidaha,
Dayixiyo cadceeduna,
Cidhifyada ka joogaan,
Sagal caasha saaraa,
Biyo wada cabteenoo,
Haddaan lay cadaabayn,
Rabbi ii cadhoonayn,
Dadku in ku caabudoo,
Madowgiyo caddaankubaa,
Ku caleema saaraan,
Sow kuma canaanteen,,
Sida faras cag fududoo,
Cadda horor yaqaannoo,
Gulufkiyo colaadaa,
Ninka lihi cad goostaa,
Raggu kuu cugtamayaa,
Cimri dherer hadhkaagaa,
Inay kula caweyaan,
Culimada jacaylkee,
Cawdeyda gooysee,
Ii cadaadinaysaa,
U calool yoobayaa,
Biyo wada cabteenoo
Haddaan lay cadaabayn
Rabbi ii cadhoonayn
Dadku in ku caabudoo
Madowgiyo caddaankuba
Ku caleemo saaraan
Sow kuma canaanteen
Sow kuma canaanteen,,
Cad waxaad wadaagtaan,
Dhulka oo cagaarloo,
Cosobkii is gaadhoo,
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



