Now Playing
Shafeec
shankaroontii dumarkey
shaaci orooryaay
dayax shan iyo tobanaad
shaacisa leedee
cirkoo roobku shubayoo
baliyadu shankaagmeen
oo sheeda ubaxiyo
dhirtu shaama reebtey
oo xareedu shabaq tidhi
xooluhu ku shaaceen
shinburuhu ciyayaan
rahu shalawda leeyahey
shinida iyo dhurdaha
laga shubaayo dhuumaha
nimco lagu shugriyayoo
dadku sharaf ku noolyahey
shamsooy iila midabtee
sheydaan ibleeys
shido qabe waxad tidhaahdaa
dadkaad lakala shirtaayoo
warkaad kala shubaayoo
yaanu sheydaan
sheeko kaa helin
jaceylkaan shar saaree
shaqalada u taagaan
shinkiisii galayee
shaash xariira saaroon
ka qaadey shuushkii
aroos sheeko reeboo
loo sharaxey jaceyl
shamsooy aan gudoonee
shanta midagta ii dhiib
shifo weeye taasuye
shukri gabadhle weeyee
waalidkooda shaafiya
allow noogu shaafeec
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



