Now Playing
Tawaawac
Song: Tawaawac
Artist: Farxiya Fiska
Category: Heeso dib loo qaaday
Original belongs to: Shamso Cumar
Views: 3008
Artist: Farxiya Fiska
Category: Heeso dib loo qaaday
Original belongs to: Shamso Cumar
Views: 3008
Anoo taahaha waa cudur iyo
nimaan taws lahaynoo
waxan tabanayaa jirin
oo guri tigaadliyo
raaxo aan ku talo galay
xurmadaan tusmaystiyo
tistuna ay isu muuqdaan
tufmayahow kalgcalkuna
ilamaa tin iyo cidhib
igu tiixay sidii roob
tabtii layla iyo qays
isu tabinay sheekada
kaanu dhiganay meel talo
soow ma tuurin wacadkii
alla ileen taran jacayliyo
talaal malaha caashaqu
ragna taada kama naxo
Tigaadda laacdiyo
wabiga lagu tayeystiyo
tabsin geel wax iga jira
annoon tigso wali odhan
saw tii banaan galay
saxariirku toban yahay
toddob baaqdey kawsaday
ma tiraabin waynoo
anna uma tawaawicin
todobaadba sheekadu
waxay taaga socotaba
ma ku taabay halistii
wadnaha dhiiga kala tagay
dadka qaadhi ma u odhan
alla ileen taran jacayliyo
talaal malaha caashaqu
ragna taada kama naxo
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



