Adoo doon doon ahaa
dirqi socodkaa ahaa
dantaa u foof ahaa
waqtiguna ku darnaa
dollar marbaad disha.
Kii shaley kaa diday
dadna adiga ku necbaa
marbuu kusoo dagaa
xaqu soo daahiraa
Yaa doqon wad wadi jiray
dadba u qabi jiray
darisay yaa la noqon jiray
dariiq yaa la mari jiray
dagaal yaa la gali jiray
darteed yaa u dhiman jiray
yaa u dhiman jiray
Dado xarafka maasada
dhex dabaalan maayee
waxaan hadalba kaga dagay
haku deeqdo waanadu
Adoo dibad meer ahaa
dhoqosh aqalkaa ahaa
diin socodkii ahaa
marku dayax ku ifuu
nuur kuu daalacaa
Dahab raqiis ma noqdaa
dalag abaar ma baxaa
dagdag door ma dhashaa
ana dulqaad ma huraa
Yaa ducuf ka heli jiray
dunta yaa ku xiran jiray
dooqba yuu u gali jiray
damiin yaa wax bari jiray
daruus yaa u dhigi jiray
daryeel yaa ka sugi jiray
yaa ka sugi jiray
Dado xarafka maasada
dhex dabaalan maayee
waxaan hadalba kaga dagay
haku deeqdo waanadu
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



