Milay Dheer maanka waxaan degmada ku hayaba
Mar dalxiis aan u baxay muddaan xaraf tagay
Mataanaha naasaha iyo sheekh madar.
Hablahaan magac weyn hargeysa ku maray
Mahuraanka burciyo, togdheer madasha ah
Nugaal xays iyo maydh, maasheeyay habluhu
Marso wacan boosaaso iyo muduub
Hablaha muqdishiyo marka cad gala
Mawjadaha baydhabo , kismaayo ku miyan
Mirta gaarisa, mulaaxda jigjiga
Malkada boorame, masnada diridhaba
Maamuusta habalaha jabuuti mugg wayn
Quruday mugdiye macbuud ku sharaxay
Ka maqsuuday intaan dhamaan magac dhabay
Quruday mugdiye macbuud ku sharaxay
Ka maqsuuday intaan dhamaan magac dhabay
Waa gobtay mudan hooyadey ka mid tahay
Ka maqsuuday intaan dhamaan magac dhabay
Waa marwada ii dhaxdiyo mid aan la dhashee

Sadex magac “magac”, waa mariinka ii astura
Murtidii waa Amaan haween iga muteen
Meelkastoody joogaan, magaca igu yaal
Malyuumaad salaam ah ha iga maqlaan
Inta iga maqan hawadaan u marin
Heliyaalo, Heliyaaloow Hubow heliyaalo ha, heliyaalo
Heliyaalo, Heliyaaloow Hubow heliyaalo ha, heliyaalo
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week