Now Playing
Hadma ku helaya
Waa I helay Jacayloo
hami igu badnaadiyo
waan hubaa kalgacaloo
wey hayaa dhibtiisee
Sida Haadka leylkii
heehaabo mooyee
hawl yari ma seexdoo
habeenkoo bar tagay baa
la I kaa horkeenaa
Waa howl adduunyee
ma ii hiilineysaa
qofba waa kalkiisee
ma ii hagar baxaysaa
waa halis nafteyduye
hadma hadmaa
goormaan ku helayaa?
Hilaac iyo darruur iyo
hoobaanta liicdee
ishu halacsanaysaa
hibashadii nafteydaa
ma huraan halbowliyo
wadnahay halwanayee
Sida Geel haloosima
hugunkeyga baxayaa
waa hirashadaadee
Waa howl adduunyee
ma ii hiilineysaa
qofba waa kalkiisee
ma ii hagar baxaysaa
waa halis nafteydu
hadma hadma goormaan helayaa?
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



