Cirkoo gaaxday roobkiyo
Seymahii ku rarnaa
Rabbi nooga shubayoo
Rabtii ay Warsheekh aheyd
Ku rusheeyay reedaha
Oo ay rogaal celin
kolba sida ruuqaansiga
Riinkiyo gufaacada
Ka ridaaya dhinacyada
Sida loogu reeyaan
Haboon kuu Riyaaqayoo
Naftaad Raalli Galisee
Intaan dul joogo
Raas adduun
Haboon Ma rabo
Ruux kalee
Haween ka rooneey
Soo ruclee
Adaa Rasmigii
Ruuxii ahee
Dhulkoo reys qaboobiyo
Reexaan udgoonloo
Dhirtu rucub Magooliyo
Ramaaska iyo doogii
Rasmi uu usoo baxay
Oo Ramaadka Geeliyo
Ri'yihii iyo lo'doo dhalay
Rugtii Wabiga Jowhar
Reedaha ay daaqaan
Sida loogu reeyaan
Haboon kuu riyaaqayoo
Naftaad Raalli galisee
Sida loogu reeyaan
Haboon kuu riyaaqayoo
Adaa ii Rafiiqeee
Intaan dul joogo
Raas adduun
Haboon Ma rabo
Ruux kalee
Faceed ka rooneey
Soo ruclee
Adaa Rasmigii
Ruuxii ahee
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



