Now Playing
Aamina
Aaminey xusuusnow,
inkastoo ayaamahan,
arintaadu adag tahey,
aadmigu siduu qabo,
ama ay aniga ila tahey,
adna aad ogsoontahey,
ifka intaan ku noolahey,
kaa ooli maayo,
ifka intaan ku noolahey,
kaa ooli maayo,
in ninkale arooskii,
kuu abaabulaayoo,
oridiisa noqotana,
waa midaan ahaaneyn,
kuu abaabulaayoo,
oridiisa noqotana,
waa midaan ahaaneyn,
arin waxan ku goynaba,
soo ururi taladoo,
isu imashadeenii,
soo ururi taladoo,
isu imashadeenii,
arbacada habeenkii,
afar saac markey tahey,
hay inoo ahaatee,
aaminaay xusuusnoow,
afar saac markey tahey,
hay inoo ahaatee,
aaminaay xusuusnoow,
Aaminaay xasuusnoow,
hadal waxuu amaan yahay,
intaanad oraniinee,
Afka haduu ka soo baxoo,
adi uma arimiside,
Ummaduu dhaxeeyaa,,
arkaa qaadna weeyoo,
oodiisu kaa rogaan,
doqontii ismoodee,
arooskeed ka heestee,
indha u garad ha noqoninee,
iska hubi ujeedadaa,
Arin waxaan ku goynaba,
soo aruuri taladoo,
isu imaashadeenii,
arbacada habeenkii,
afar saac markey tahay,
hay inoo ahaatee,
aaminay xasuusnoow,
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



