Isa saaraay
Dunida oo dhan,
seygaan ka doortow
sabanadaan raggaa kacey,
seddkii aan ku yeeshow,
ku yeeshow
waxaan kuugu sagootiyey
safar qeyr leh,
socotayeey sidii roon
sammahii dhexdeena ha siideyn
saacaddii aad joogtana
ku seexo,
ku soo toos
anna waan ku sugayaa,
soo noqo adoo nabad ah,
soo noqo adoo nabad ah
Samriweyda niyadeydii
laguu saarey calankeeee
saqdda dhexe habeenkii
sahwiyoo dhawaaqee
dhawaaqee
waxaaba ii sii dheer,
niyad siddig ah sarre
taagan aawgaa daraadaa
u salashaan sasabayaa
Sammow haddeey ku weydana,
si aay noqonba mooyee
anna waan ku sugayaa,
soo noqo adoo nabad ah,
soo noqo adoo nabad ah
Arag subax ah indhaheyga
nuurka u siyaadshoow
sidriggaa iyo maankaa
qalbiga ii sifeeyow,
sifeeyow sideen kugu ilaawaa,
niyad soo jeeda awgaa
ku saadineysaa
adigaan sasabayaa
Sammow haddeey ku weydiyo
si aay noqonba mooyee
anna waan ku sugayaa
soo noqo adoo nabad ah,
soo noqo adoo nabad ah
Thanks to Filsan Said for sending the lyrics
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



