Axdigi iyo kalgacalkii
Cashaqii is dhaarsaday
adaa araxda gooyoo
meel dheer ku aasee
(2x)
Alla deeq Ilaah bixiyoo
boodyaha istaabtee
ifkana laguma waaroo
tayo maleh aduunkiyee
(2x)
Ogow nafsi amaah ma leh
Jaceylkana ehelow ma lah
(2x)
Hadey kula ahaatay
inaa deeyni iga galin
ololkiyo bukaan qabow
adigaa horseedee
ololkiyo bukaan qabow
adigaa horseedee
(2x)
Ifka kaaha arooryaay
ubuxii u nuuray
adaa ka owday ilinki
abaarta noo horseedee
(2x)
Ifka lagama quustoo
samir lama iloowbee
adaa ka owday ilinki
abaarta noo horseedee
(2x)
Ifka lagama quustoo
samir lama iloowbee
araamidad galisoo
kugu noqotey urugee
Ogow nafsi amaah ma leh
Jaceylkana ehelow ma lah
(2x)
Hadey kula ahaatay
inaa deeyni iga galin
ololkiyo bukaan qabow
adigaa horseedee
ololkiyo bukaan qabow
adigaa horseedee
(2x)
ololkiyo bukaan qabow
adigaa horseedee
ololkiyo bukaan qabow
adigaa horseedee
ololkiyo bukaan qabow
adigaa horseedee
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



