696 HomeCategoriesEventsPremium VideosForums

Dalmar Iyo Deeqa

Magoool:
waa digan hiloobayey
dooxyada fadhiistee
tiisaba daryeelaa
dadka kale wax saarte
maxaan kula dadaalaa
dalmarow dantaada ku ciishee

Salaad:
waxa ani dib ii ridey
dabinkaad igalisee

Magool:
ha la doodi ha dagaalin naftaada
dalmarow ha daalin maahee

Salaad:
kaalay deeqay kaalay
adaan kugu dan seege

Magool:
dalmarow waa dhooku luule

Salaad:
dulmi la ma xabaartee
dugsigii aan ku jiray
baad dibada iiga saartee

Magool:
dalmarow waa doqonowdee

Salaad:
dagi waayey daruuntuba halkaan
maro bal nasiib daraantay
kuma soo da'aysoo
ku daroori weydaa

Salaad:
iga durugtay kugu daalay
inna dayrisee
dayaxaba cadceedaa duhurkii
hareysee adigay i dadaayee
sidaad damacday maahine
dayriyo nugaal bari
wada daaqi mayside
duunyo la'aantad igu
dilaysee hadii aan
deeqa hoy deeqa

Magool:
kaalay dalmar kaalay
warka lama daboolee
waxii ku daaray ii sheeg
Salaad Darbi
nacabkii i dilayaa
daris aad la noqotoo
docdaad iga wareentee

Magool:
dalmarow waa doqonowdee

Salaad Darbi:
nin dantiisu ciishoo

Magool:
duunyada abaartiyo kala
jecel hir dooglee
ana dab iyo meel kulul
hadhku door sanmaaye
maxaan kula dadaal
dalmaroow dantaada kuciishe

Salaad:
waxa ani dib ii ridey
dabinkaad igalisee

Magool:
ha la doodi ha dagaalin naftaada
dalmarow ha daalin maahee

Salaad:
kaalay deeqay kaalay
adaan kugu dan seege

Magool:
dalmarow waa dhooku luule

Salad Darbi:
dulmi la ma xabaartee
dugsigii aan ku jiray
baad dibada iiga saartee

Magool:
dalmarow waa doqonowdee

Salaad:
dagi waayey daruuntuba halkaan
maro bal nasiib daraantay
kuma soo da'aysoo rooboo
ku daroori weydaa

Comments
Name Login with Facebook