Ruuxaad ka dhawrtaan
naxariista dhamiyee
indhahaagu dhudiyayee
dhugashada ku roonaaa
dhexdu taaka iyo laba
dheraadka diidee
hadii la isku dhaarsado
ma la dhaafin karayaa
Dhawr sano iyo shiibaa
ka dhawrsaday haweenkoo
jacayl kooda dhumiyoo
dhaqashada ka doortee
uma dhiganin caashaqa
inaan soo dhaweyee
xayaadey dhibaatada
adigay igu dhaliyee
Dhabanyadaada xaada lehe howa
dheehiyo labeenta lehe howaa
sumayaasha dhinacyadee howaa
geesaha u dhaadhacayee howaa
sida dhayda caanaha
indhahaaga dhuunka ah
Timahaaga dheereee
dhufashada dabayluhu
hadba dhinac u rogayaan
dhameelka hawdiyo
hadad tahay hunguri dhubuq
dhuuntaan ku marin laa
Karar dhabadka jilaal
dhulkoo dhamac ku yuurura
dhibicdii u hoorttee
dhoobada ka meedhaa
quruxdiisa geel dhalay
iyo dhaqanka xoolaha
dharaar wacan sidaadtay
dhugashaad ku roontee
Dhilawyahanka geedaha ee howaa
dhirta loogu daw galayee howaa
igu dhereri caashaqayee howaa
dhexda igu kaa marayee howaa
bal waxaa ku dhaafsado
dhuunigu ma helayaa
Timahaaga dheereee
dhufashada dabayluhu
hadba dhinac u rogayaan
dhameelka hawdiyo
hadad tahay hunguri dhubuq
dhuuntaan ku marin laa
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



