Now Playing
Jacaylkii Guyaal Badan
Jaceylki guyaal badan
xasuus aan go'eyniyo
gocashada ku noolaa
Kala geeye waayaho
anigiyo guruguuruhu
gara aan is moogeyen
Naftan geed ku qarin waayee
ma gaboobin ubuxiyee
guudkuu ka soo baxay
Dharaarahan is hurayee
habeenkoodu soo galay
gacal iyo nasiibkey
midna igama gaagixin
Gob weeye jaceylkuye
farta meeshu igu godaye
gacan bidix ku qariya
naxariis ku gama'aa
boga gacal ku seexda
Jaceylki guyaal badan
xididada guntadaayee
garla duulka aqan
Garbka is deyniyo
galay lala iyo
galowga la shiri jiray
Sumadeyda gaarka hee
gurigi galgacalka hee
garashaan ku qorayahee
Shimbir nabadgaliyo aan iri
guman galool ka baxayoo
malab goobo kaleeyay
beeryarada gaarsii
Gob weeye jaceylkuye
farta meeshu igu godaye
gacan bidix ku qariya
naxariis ku gama'aa
boga gacal ku seexda
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



