Now Playing
Wadani
duul wada dhashaan nahay
dal qudhayni wada naal
dabuubiyo odhaah qudha
dal soomaali baan nahay
maxaa laysu dilayaa
laysu dabar jaraayaa
dagaalaha sokeeyaha
yay dani ugu jirtaa
qabiilku duli yahay
qabqabluhu dijaal yahay
shacabkuna il daran yahay
ma cid bay ka dedan tahay
daayin idinku dhaarshee
diinta soo xasuustoo
danta nabada doona
war dadka nolol u raadsha
duul geedka damalka ah
doonyeesta baan nahay
daris iyo walaalnimo
dad islaama baynu nahay
maxaa laysu dagayaa
laysku daba marteeyaa
deydeyga iyo dalqalatada
yaa doortey kaligii
dagaal ooge nacab yahay
dooral qaate duli yahay
shacabkuna duleed yaal
ma cid bay ka dedan tahay
daayin idinku dhaarshee
diinta soo xasuustoo
danta nabada doona
war dadka nolol u raadsha
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



