Caashaqani maxuu gabay
laba guusha waadaag jacel
god maxuu ku kala riday
laba guur isku ogaa
geeridaa midi diliyoo.
geedi dheer maxuu calaf
gacal ooman kala raray
misna geed ku kala xidhey
maxaa samir ka gaaxdaa
nasiib gaabiya yaa diley
misna gaadhi waayey
godob qaaday waayuhuu
ana gooni ma ii dhigay
gabaahiir ma igu furay
geeryaad ma ku ambaday
Sow ma ihii gedeedii
goroyooy gabal kuu dhac
Caashaqani maxuu gabay
laba garasho dheeraa
gal muxuu ku kala xidhay
laba burihii golis midba
gees ka joogey
duunyadu maxay laba
gacantoodu ma dhan tahay
gabadano ku haysaa
maxaa samir ka gaaxdaa
nasiib gaabiya yaa diley
misna gaadhi waayey
godob qaaday waayhuu
ana gooni ma ii dhigay
gabahir ma igu furay
geriyaad ma ku anbaday
Sow ma ihii gedeedii
goroyooy gabal kuu dhac
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



