Koow dheh
Aduun baan ku daawadaaye
Laba dheh
Adey dantu igu xerantee
Seddex dheh
Dulqaad baan kaa rabaa
Dadaal anigaa hayee
Alla deeqdana baxshee
Aduun daacad ii ahaw
Damaashaad farax jaceyl
Dawooy ila daadahee
Damaashaad Farax Jaceyl
Walaal ila daadahee
Nimcooy ila daadaheey
Adaa deyr iyo Gugi da'ee
Koow dheh
Indho kugu doogsadaan
Laba dheh
Adaa dahab iyo xariir ahee
Seddex dheh
Dadaal baan ka rabaa
Ducana waalidkaa hayee
Allaa deeqdana baxshee
Adigu daacad ii ahaaw
Damaashaad Farax Jaceyl
Dayoow ila daadiheey
Damaashaad Farax Jaceyl
Walaal ila daadaheey
Damaashaad Farax Jaceyl
Adaa dooqu igu kaa darayee
Koow dheh
Dareen ku tilmaamayee
Laba dheh
Adaa Diin ila wadaagee
Seddex Dheh
Dulqaad baan kaa rabaa
Dadaal anigaa hayee
Alla deeqdana baxshee
Aduun daacad ii ahaw
Damaashaad farax jaceyl
Nimcooy ila daadahee
Damaashaad Farax Jaceyl
Macaan ila daadahee
macaan ila daadaheey
Adaa dhaxan iga dugsiiyee
Koow dheh
Adaa nafta dooji karayee
Laba dheh
Adaa dhaqan iyo dadnimo lehe
Seddex dheh
Dadaal baan ka rabaa
Ducana waalidkaa hayee
Allaa deeqdana baxshee
Adigu daacad ii ahaaw
Damaashaad Farax Jaceyl
Cabdoow ila daadiheey
Damaashaad Farax Jaceyl
Cabdoow ila daadaheey
Walaal ila daadaheey
Damaashaad Farax jaceyl
Nimcooy ila daadaheey
Damaashaad Farax Jaceyl
Macaan ila daadaheey
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
this monththis week



