Now Playing
Daryeel
Dayax bari kasoo kacay
ku dilaacshey
ku dilaacshey nuurkaay
bada dacal iftiinshaay
Duur joogto iyo uugaarti
deegaanki iyo barbaartii
ey dabaaldagayaan
Dadku u riyaaqay
aniguna dartaa baan
dajin waaye socodkii
Daryeelkaan sugaayay
kaalayoo i daawee
Daryeelkaan sugaayay
kaalayoo i daawee
Waxaan dirtaayoo
dareenkey
dareenkey u dhiibaa
dafo baalka lulayoo
Dawan sootka danana
dulucdeeda noloshaan
gabaryeey diyaarsha
Danta caashaqeena
iyo dadaal galkeeni
ma is dugaalsana
Daryeelkaan sugaayay
kaalayoo i daawee
Daryeelkaan sugaayay
kaalayoo i daawee
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



