Artist: Gulled Axmed
Category: Heeso dib loo qaaday
Original belongs to: Xasan Aadan Samatar
Views: 2558
Qoraxdoo aroortii
qaybisay falaarahaa
Ama qaanso roobaad
daruur midab ku qarisay
qeymaheedii leedee
qof meyda lama amaanoo
qalad looma heesee
qureyshtii haweenkaay
Naftaad qancisaybaa
kuu qushuucdayoo
wanaag kuu qireysee
qabrigaa hortii qaradee
bariin aad u qaboobiyo
Qaadirkay ha ku geeyo
Haddaan qiro runteydoo
qotonshoo warkaygaa
ruuxan kugu qiyaasoo
kula qeyr dhigayaa
kama qaadin indhahee
sida roob qayoodoo
saxansaxa qabow leh
laabtayda qaadee
Naftaad qancisaybaa
Kuu qushuucdayoo
Wanaag kuu qiraysee
Qabrigaa hortii qaradee
Bariin aad u qaboobiyo
Qaadirkay ha ku geeyo
Qufaalada jacaylkoo
u qabiray naftaydaa
ilamaad qalaynine
waad ila qorshaysee
iga saartay qoolkii
qamandhacada dusheydiyo
qamuunyadii i saarnayd
ilamaad qaxootiyine
Naftaad qancisaybaa
kuu qushuucdayoo
wanaag kuu qiraysee
qabrigaa hortii qaradee
bariin aad u qaboobiyo
qaadirkay ha ku geeyo
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



