Now Playing
Tuunyo
Sida Tuunyo iyo hawd
Todobkii ku hooroo
Gugii uu ku taagsadey
Tigaada isku fila iyo
Maadhuba tis qaadeen
ayaan kugu taamaa
Tii kali aheeydee
qurux lagu tilmaamaay
Igu taran kalgacaloo
ka talaabsan waayoo
tahli waayey socodkee
Waanse kaaga tudhi laa
Hadii ku taabtee
iga tiiri caashaqa
aawadaa tasoobee
Tiriig baxay la moodyeey
xubna toosanaantiyo
xaragadaad la tiicdaa
Tashi igu abuurtee
talaamoo daradaa
ku caweeyey taahee
Tusaladi janada iyo
tusmadii amaantaay
Tabaalada daraadaa
tiiraanyo ooyoo
tagayoo ma joogee
Waanse kaaga tudhi laa
ahadii uu ku taabtee
Iga tiiri caashaqa
aawada tasoobee
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



