689 HomeCategoriesEventsPremium VideosForums

Aayatiin

Jacayl Ayatiin Leh
baan Abuurnoo Waad Ogaydoo
Intaan Udubkiisi Mudaybaan Ilaashoo
waan Adkeeyoo Abeydin Sidii U Dhawree

Markaan Ku Lahaa Ugaasooy
ujeedo Fog Baan Lahaa
afeefo Dantaan Lahaa
amaanada Dhowr Lahaa
 
Markuu Ubaxi Is Gaadhay
marku Intifaacsi Joogo
maxaa Uurxumada Keenay
maxaa Ooridda Ninkedii
ableey Loogu Sahanayayoo
weliba Asaraar Ku Duuliyo
maxaa Eed I Xambaarshay

Abaal Dareneey Hadaad Ujeedo
xinkaa U Guuxday
ilowsha Dhaweey Nabsaa
dhexdeenan Ka Oganoo
ruux Unbeey Cuquba Raacdoo
anigu Kaa Aarsan Maayee
Ilaah Baan Talada Saartay

Ilduuf Baa Shax Kaa Diloo
irabadu Geel Laguma Qalao’ee
ogaal Baa Markhaati Fiican
exana Waa Laga Tagaa
Imaankaa Lagu Dagaaye

Markay Oomane Ku Guushay
aroori Shub Baan Lahaa
irmaankeeda Godlanee
hagaama Cullaan Lahaa

Markaan Waajibkaygii Oofshay
markii Aan Amaan Sugaayey
maxaa Amin Xumada Keenay
maxaa Ooridda Ninkeedii
ableey Loogu Sahanaayaayoo
weliba Asaraar Ku Duuliyo
maxaa Eed Ii Xambaarshay

Thanks To Abdikarin For Adding This Lyrics

Comments
Name Login with Facebook