Artist: Xaliima Khaliif Magool
Category: Qaraami
Featuring: Xasan Aadan Samatar
Views: 5140
Samatar
Caashadu ilaahay
cirka taagay udubli
ciidana ka dhigay gogol
wabiyada cartamayiyo
cidhifyada bad kaga xidhay
iyo buuraahaa culus
cimrigeed aduunyadaa
waxa jiraa col iyo nabadee
caydhiyo nin xoola leh
iyo laba is caashaqay
caawana kamay tagin
caynkaynu ku ogeyn
adna calafka kuu qoran
cunna seegi maayee
caashaqa ha baayicin
Magool
Cadadkuu ilaahay
caradeena joojee
aadan ciida ka alkumay
xaawana cadkiisiyo
feedh calaanta laga dhigay
cishadaa ma uuneyd
caawana ma nooshahay
caqliga sidaa hadalkuye
carab dalab la sheegee
ceeryaamo iyo boodh
ciiro ha isku qarinine
noloshayda caydh iyo
cilmi guraan ku fadhiyin
ku caar caari maaye
caashaqa iska ilow
...
Samatar
Xalaytaba caweyskii
canabay daruuruuhu
cimidh bay ahaayeen
caawana lagu ma oga
wakhtigii ku ciiliyo
cisigiyo wanaaguna
way is daba caraabaan
waxana kuu cadayn kara
caamiyaha indhaha lihiyo
ma ogtahay curyaankaba
cago loo ma waayine
caynkaa wax loo yidhi
kuwa cararayee ladan
inay ku cibro qataan
caashaqa ha baayicin
Magool
Bada caarid maalmaha
cawa daranta fiidkiyo
caddadaa walaala
cadcedii timaadana
dadka ruux cadibanoo
waayhuu ku ciiriyo
mid caruusa ayaa jiroo
caad iga ma saarnee
cilmiyada ilaahay
anigoon aan caasiyin
cabsi ha igu galine
adigoon cuud dhaqan
caashaqan ku taabtaan
cudurdaar u yeelee
ceeb kale miyaan dhigay.
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



