diintiyo asluubtiyo
nolol diiranaantiyo
darajaa leh hoygii
doombiro lagu manaystoo
dar wanaagsanaantiyo
Hawadeeds dahabka ah
tii loogu deeqaay
daaliyo ubaxeedaa
wabiyada saraar
burco daawo dacalada
xamar daawo dacalada
hargeysa iyo damasheeda
arabsiyo dusheediyo
berbera daawo dacalada
boorame daawo dacalada
daalo iyo ubaxeeda
dooxada nugaal
sanaag daawo dacalada
barina daawo dacalada
hargeysa iyo damasheeda
gabiley dusheediyo
xamar daawo dacalada
alla daraha dhaqankeena
dambarsame calankeena
dugsaa laga bartaa
deeq ilaahey baa leh
dadnimana soomali baa leh
dalkeeniina weeyaan
ku dalxiis macaanaa
duunyo dhaqasho wacanaa
doogiyo ubaxaa
rabi ku deyroo
dabeeshiyo boodhkaa
daah looga dhigayoo
deyr kastoo darnaatana
duni lagu abaarsado
daaq lagama waayee
dayaxa iyo baydhabo
doolo baladweyn
marko daawo dacalada
jilis daawo dacalada
dayaxa iyo baydhabo
doolo baladweyn
ceel buur daawo dacalada
gedo daawo dacalada
wabiyada durdurayee
ku dur duraya beeraha
jawhar daawo dacalada
afgooye daawo dacalada
wabiyada durdurayee
ku dur duraya
ku dur durayaa beeraha
luuq daawo dacalada
baardheere daawo dacalada
daalo iyo ubaxeedaa
dulinada saraar
mudug daawo dacalada
galguduud daawo dacalada
alla daniyo xeesheena
daacadiyo islaamkeena
dugsaa laga bartaa
deeq ilaahey baa leh
dadnimana soomali baa leh
dalkeeniina weeyaan
ku dalxiis macaanaa
duunyo dhaqasho wacanaa
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



