Artist: Maxamed Suleeban Tubeec
Category: Qaraami
Featuring: Faadumo Cabdullahi Maandeeq
Views: 3310
Tubeec
garasho iyo wanaag
gudubtayee gacal iyo
xigaal goysayee
geedkii jacaylkaa
guntiibaad ka jartee
guryo samo alahayow
geestii roon alahayow
gaabsan maayee
waxan go'canayaa
inaan laba gayaano
is afgarata noqonee
Maandeeq
galaw iyo shimbiro
garabsatee
sida aar la ganay
gurxantee
anoon kuu garaabeyn
gadhka hay qabaninee
guur wacan alahayow
gadaan rabo alahayow
gaadhi mayside
waxa kula gudboon
inaad ka gaabsataayoo
nafta samir u geysee
Tubeec
i gubtoo jacayl
igu god furtee
gabogabo iyo
ciil i gelisee
gadmayoo daraadaa
goohayoo ololee
gargaar wacan alahayow
geestii roon alahayow
gaabsan maayee
waxan go'canayaa
inaan laba gayaano
is afgarata noqonee
Maandeeq
guul ooman xero
soo gashee
galaf iyo hal gudhan
godoshee
godantoo kalgacayl
gooni kuu xidhayee
gugoo da'ay alahayow
gamashiin alahayow
gaadhi mayside
waxa kula gudboon
inaad ka gaabsataayoo
nafta samir u geysee
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



