Artist: Hodan Cilmi
Category: Heeso Cusub
Featuring: Maxamed Kabanle
Views: 1171
Xubnahaaga siman iyo
sowracaga muuqdee
sida sagal arooryaa
qurux lagu sar gooye
markaad socodka damacdee
saan qaadka laafyaha
qun yar seyrisaa
kalgaceyl i saaqaa
hidihi suleeqaay
calaf lama sagsaagee
Nafta kaaley
kaaley kaaley
nafta kaaley igu sidig
Sida roob la sugayoo
saadal ceelka geeyoo
safreere intuu da'ay
sanku neefsade doogsaday
aadba tahay salool duban
saxan saxo ugbaadiyo
ama weylo seershan
sanka kula raaca
saamigi nafteydow
calaf lama saluugee
Nafta kaaley
kaaley kaaley
nafta kaaley igu sidig
Hurdo kaama seexdo
saacad nool adiga
warsan kaa sugaye
nafta kugu sasabayee
sababtuna waxey tahay
qalibgan salaanto
samo aad ku beertaa
samri wayey owgaa
hidihi suleeqaay
calaf lama sagsaagee
Nafta kaaley
kaaley kaaley
nafta kaaley igu sidig
Sida soofaa igaaryahow
maalin saacad gaartan
amba saarka caashaqa
subax walbe la olalaa
sababtuna waxey tahay
saldhigi qalbiga iyo
sadariga iyo laabta
samo lagugu daabacay
saamigi nafteydow
calaf lama saluugee
Nafta kaaley
kaaley kaaley
nafta kaaley igu sidig
Nafta kaaley
kaaley kaaley
nafta kaaley igu sidig
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



