Artist: Mukhtar Cisman
Category: Heeso Cusub
Featuring: Faaduma Duur
Writers: Xamse Mahdi Almuji
Views: 2769
[Mukhtar]
Inaan hurdo seexan waaye
inaan aawada hadraayo
harkika inaan ku bahoowo
miyaad hodaneey ogtahey
[Dhextaal]
Haayee kow dheh hanadow
waayahee ii wad hodaneey
[Faaduma]
Inuu habsamaayo dhiigu
inaan halista iyo wadanaha
halbowle inaad ku taalo
miyaad hanadow ogtahayee
Waayahee kow dheh hodaneey
Haayee ii wad hanadoow
[Mukhtaar]
Inaad qurux ugu horeeyso
hablaha kale inaan kabeyro
horta caashaqu i helay
miyaad hodaneey ogtahay
Haayee kow dheh hanadow
waayahee ii wad hodaneey
[Faaduma]
Markuu qalibigeyga hiiray
markuu ku habsaday jaceylku
inuu xidada harsaduu
miyaad hanadoow ogtahayee
Haayee kow dheh hodaneey
waayee ii wad hanadow
[Mukhtaar]
Markaan kaligey hugmaaye
adoo maqan aan hadraaye
hortiga hadan ka muuqde
miyaad hodaneey ogtahay
Haayee kow dheh hanadow
waayahee ii wad hodaneey
[Faaduma]
Hadeey kuu hillaan cadaawe
inaan kuu hiilan lahaa
nafteyda huri lahaaba
miyaad hanadow ogtahay
Haayee kow dheh hodaneey
waayee ii wad hanadow
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



