Now Playing
Dalanbaabi
Nafta dooqu hagaye
dabrayuu tig tigaaye
dalanbaabi socodkee
la dalaadaceysaaa
mida aad u diiran tahay
marka aad la deris tahay
arimadaan ku daartiyo
siduu dooni uurkaagu
dib hadaad u luqiyo
u lugeey daraadii
dabnahaaga dhaafeen
maxaad ii dagaashaa
debka iigu hurisaa
oo iigu daran tahay
iigu diidey samirkee
maxaan kuugu dawiibaa
naftaan dood iyo abaal
cudadooda jooogtee
weheshanii dugaagee
danbaneeyni maqal
hooy iyo dameer tidhi
hadal deeeqi maayee
kol hadaa dan yar tahay
dabrey xishood kulaaa
carabkaaga damiyoo
cabireey dan kugu radhan
doqonimo waa shilee
maxaad iigu dagaashaa
debka iigu hurisaa
oo iigu daran tahay
iigu diidey samirkee
maxaan kuugu dawiibaa
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



