Now Playing
Sida geedo caleenlehoo
Sida sida Geed caleenloo
Ubax wada casaadiyo
Cosob iyo barwaaqa leh
Cirka hool kutaaliyo
Sagalkii Cadceedaay
Hoobeey Hooy
Adigay cajabiyoo
hooy hooy
Caaway naftaydii
hooy hooy
Dhibka Caafimaadee
Waa inaynu ciidnaa
Geesigaan cadaawaha
Cududiisa xooga leh
Kaga ciil baxaayoow
Inkastoon cabaar iyo
Muda kala cilaalayn
Hoobeey Hooy
Calafbaan sugaynoo
hoy hooy
Caaway nafteenii
hooy hooy
Dhibka Caafimaadee
waa inaynu ciidnaa
Sida cadarka roobkoo
Dhul cagaarle helayoo
cidii rusheeyay
Cishqi soo darrooraa
calooshayda jiifoo
Xareeday cabsiiyoo
caaway naftaydii dhibka
Caafimaadee waa inaynu ciidnaa
Adba curad i deeqiyo
waxaad tahay midcaanoo
cidloo dhigo lawaayee
Ragga ciida joogana
adigay cajabiyee
hoobeey hooy
Caaway naftaydii
dhibka caafimaadee
waa inaynu ciidnaa
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



