Muqiisa waan arkayaa
hadalka waan maqlayaa
madheera ee
muugeed ishaan ka meeriyaa
hadana waan ka magayaa
anigu waa mildhawayaa
mahadhada kalgacalkiyo
midayda inuu ogaadee
ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa
Ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa
Maankeyga wuu ka gurxamaa
murugo ciil mir baan qabaa
malaxumaan
taliyo maan is moodayaa
mar baan idhaahdaa
ma u sheegataa
mayee afkuna ka maagaayaa
mahadhada kalgacalkiyo
midayda inuu ogaadee
ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa
Ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa
Magaca waan tilmaamayaa
muskana waan qar roorayaa
maleegayaa
arinta waan murginayaa
midhaha waan ka reebayaa
hadana waan micneynayaa
mahadhada kalgacalkiyo
midayda inuu ogaado
ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa
Ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa
Mataanuhuu ka unkamaa
uurkeyga wuu ku meerayaa
ku maaxayaa
dhiigeygu wuu ku milmayaa
midigta waan is haysana
hadana meel fog buu jiraa
mahadhada anaa qabee
maankiisu way iga jeedaa
mililico aa isheydu
way ku maqantahoo
dhankiisa waan maandhawrayaa
ma muujiyee jacaylka
waan maldahayaa
nafteeyda waan
maaweeliyaa
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



