[Xasan Diiriye]
Nimuu dhabarku jaban yahay
dhaq dhaqaaqi maaye
sidan dhawr habeen qaday
dhafooradu i jiitmee
waa dhaawacaagii
waxanaan la dhubtee
markii aan ku dhawraba
dhibaa ii kordheysee
[Hibo Nuura]
Markii hore dhitiyo subag
dhay baan filaayee
dhiil madhan adoo sida
dhabta iga tuurtee
dharab orodka xoolaha
dhurwaagaa ku laayee
ani dhedo iyo ceeryaam
hay odhan ka dhaansee
dhalanteedku waa midaan
iga dhaadhacayne
[Xasan Diiriye]
Ninkii dhiiranaan jiray
wakhtigaa dhantaaloo
dhaxaan itaalkay
amba dhaban adeeygee
dhudhun iyo lixaadkii
wax ku dheefi waayee
hagar kuguma dhaafine
dhadhaab bay i horyaalee
[Hibo Nuura]
Aqal dhinac banaan yahay
dhaxan kaama celiyee
dharaartii aan baahnaa
igu dhege adeygtee
dhuub kaa koley tahay
kama helin dhaqaalee
waa adigii i dhigay meel
dhamac iyo abaaroo
dhalanteedku waa midaan
iga dhaadhacayne
[Xasan Diiriye]
Sidii dheeha geeloo
dhaamil hawdka daaqdoo
danihii bulaaliyo
dhobaale joognaa
ama tahay dhir canabaad
dhaayaha u roontee
wali waan dhursugayaa
inaan wada dhamaynee
[Hibo Nuura]
Ninkii dhuumanaayee
dhabarkiisu muuqdee
dhakhso loo ogaadaa
sidiisi ka dhigantoo
hadalka dhan saarka ah
kaa dhageysan maayee
hadii ay dhab kaa tahay
dhaar may ii maraysaa
mise kala dhaqaaqnaye
sidaasaan ku dhaafnaa
Thanks to FS.Ali for correcting these lyrics.
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
this monththis week



