Now Playing
Dhool da'ay la moodyee
Dhool da'ay la moodyeey
waan kugu dhadhabayaayeey
dhulku ila wareegee
dhimasho iyo nolol
wali kala dhexjoogaa
dhankii aad marisaba
kuu dhiibay taladee
adna haygu dheerayn
dhibatadan i haysoo
ii soo dhaweeyoo
aan dhamayno xaajada
dhebi baxay la moodyeey
waan kaa dhursugayaayee
dhawaaqan jeclaystaan
dhakhso kaaga filayaa
dhayal haw malaynine
wayga dha caashaquye
wadnahay ii dhufanayoo
dhiigayga dhiigayga nuugayee
adna haygu dheerayn
dhibatadan i heysoo
ii soo dhaweeyoo
aan dhameyno xaajada
dhal wadaad la moodyeey
dhabaanada hillaaciyo
dhoola ka qosolkaagee
dhaqaaqa joogsigayagaa
dhallaanku illa yaabaa
yuu ku dhaafin hadalkuye
ii dhega ii dhega nuguloow oo
adna haygu dheerayn
dhiatadan i heysoo
ii soo dhaweeyoo
aan dhameyno xaajada
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



