Now Playing
Lulumaha
Lulumaha biyaha gala
Lagal tiran dhexjoogaa
Luumbashada ma daayee
Adna Labac ku faantaye
Libin waxaad ka gaadhaba
Laba laabtay socodkee
Aniguna Lur iyo ciil
Lahashada Kalgacalkaan
Luga qaadi waayoo
Liic-liicayaa weli
Laban jaceyl la ima siin
Adna laguuma diidine
Lugtaad adkeysaaye
Armaad Liidataayoo
Anna libin haleelaa
Lismayoo lafahey jooga
Lowyahaan cuskanayaa
Layga mari lug iyo jiire
Way laba codlaysaaye
Libin Waxaan u qaataa
Carrab laalan mid laakiin leh
Aniguna Lur iyo ciil
Lahashada galkacalkaan
Luga qaadi waayoo
Liic-liicayaa weli
Laban jaceyl la ima siin
Adna laguuma diidine
Lugtaad adkeysaaye
Armaad Liidataayoo
Anna libin haleelaa
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



