Now Playing
Ligan
Labaa is jecel iyo
lamaanaha is doortoo
marna laba labeyn iyo
lurka kumaa haboone
Lamxadi iyo maankiyo
aan laabta kugu qoray
inaa laba bogleyso
jaceylki lamaana
Nacbkeeda laabta
nafsigeeda mooda
[Dhextaal]
Laalaab adoon galin
inaa libinta gaarno iyo
inaan laabta kaa jaro
labada mid mooye
liganta aan ku daaline
...
Lahaashad naftaadiyo
aayahaa lagdameeyee
ayaba laab qura
laba ruux ma qaade
Inta neerfa halisiyo
kala deysan adimadu
yey laanyo igu kicin
ana laba darar ugub
Nafsi luqunta ku galin
oo leh labada is caashaqa
[Dhextaal]
Laalaab adoon galin
inaa libinta gaarno iyo
inaan laabta kaa jaro
labada mid mooye
liganta aan ku daaline
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



