Sida hogasha roobka
ama hilaaca guyoo da'ay
hobaan bislaatiyo
haro wada biyeysan,
oo lagu hayaamo
hubaal sahan kii uu raray
waxuu si hintiqiyaba
hada qadacsi loo jiro
2x
Haboonay naftaydaan
higsi baad ku noqatoo
adaa ii hiraayee
2x
Hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygaan ku sugayaa
2x
Hanfi iyo dabayl baa
isu kay hadheeyoo
sida how tul hamagan
habaqa iga baxayaa,
hadaan haysto taladaa
hiboy kaama hiisheen
kuu hoodo sheegtee
haween haygu noqonine
2x
Waxaan hiilay noqon laa
halista iyo dhibtaan qabo
adoo iga horjoogsada
2x
Hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygan ku sugayaa
2x
Hanaankiyo quruxdaan
hiboy kugu jeclaadee
hablahaad u sidataa
haybadiyo asluubtee,
sahamiyey dartaayo
habeen socod ku waasho
waxan eega dhaafaa
hawadaa sareetee
2x
Waxaan hiilay noqon laa
halista iyo dhibtaan qabo
adoo iga horjoogsadaa
2x
Hadaad diido hadalkayga
habeen wacan nasiibkayga
halkaygan ku sugayaa
3x
Send corrections to Info@nomadlyrics.com
BiographyAlbumsSongs
this monththis week



